Cabdi Wali Gas Ooku Hanjabay in Uusan Fadhi Danbe Laqaadan Doonin Xasan Sheekh Hadii

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada kismaayo xaruunta gobalka jubada hoose ayaa sheegaya in uu aad u carooday madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas.

Gaas ayaa lasoo sheegayaa inuu ku hanjabay in dib uu ugu laaban doono Garoowe haddii uu maanta oo khamiis ah dib u dhac ku imaado shirka Kismaayo.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa la sheegayaa in sidoo kale uu ku goodiyay inuusan kulan danbe la fadhiisan doonin DFS, gaar ahaan madaxweyne Xasan sh, oo uu ku eedeeyay inuu yahay shaqsi danta guud ka hormariya tiisa gaarka ah.

Cabdi Weli Gaas oo ku jahwereeray shirarka gaar gaarka ah ee kasocda Kismaayo ayaa cadeeyay in mowqifkiisu yahay in Kismaayo uu kala tago natiijo farxad galisa shacabka Puntland, haddii la waayana aysan dib isugu imaan doonin kulan kale.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlaayay is jiid-jiidka wali taagan ayaa waxa uu madaxweyne Xassan Sheekh hordhigay 2 arrin oo kala ah:

1-Inuu ka tanaasuli nidaamka 4.5 oo uu adeeco rabitaanka maamulada dalka.
2-In furitaanka shirka ka hor uu wakiilada Beesha caalamka ka hor cadeeyo mowqifkiisa islamarkaana qabyo laga dhigo shirka marba haddii uu ka caga jiidaayo ballamihii lagu galay muqdisho.


Shabakada Gaarsiye.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Maaxiyebaay@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)