Shirka kismaayo & Caqabada heysata MD Xasan sh, iyo……..

Iyadoo magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubbada hoose uu ka furmay shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ku suganyihiin dhamaan hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaliya ayaa Aqoon-yahan Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ka faalooda arrimaha siyaasada Soomaaliya waxa uu sheegayaa in ay adag tahay in si sahlan Natiijo guul u ah Soomaalida ay kasoo baxdo shirkaasi.

Caalim ayaa sabab kaga dhigay dhowr arimood oo ay ugu horeeyso Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaliya iyo Hamigiisa ah in markale talada dalka uu sii wado.

wuxuuna sheegay Aqoon-yahan caalim in shaacintaas ay waqtiga sii dheereyn karto maadama buu yiri Madaxweynaha lagula dagaalamayo awoodiisa taas oo cabsi badan galineysa siyaasiyiinta kale ee xil doonka ah iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo iyagu doonaya in ay ka muuqdaan oo ay door ku lahaadaan awooda Dalka .

Wuxuuna tilmaamay Siyaasiga Caalin in ay u badan tahay shirka Kismaayo mid go,aankiisa dib leysugu soo noqon doono maadaama Muwaafaqta iyo go,aamada ay kala fogyihiin waxayna tahay caqabada ugu weyn laba qodob oo kala ah :-
habka awood qeybsiga Beelaha iyo hab Deegaan in wax lagu qeybsado taas oo ay Madaxda isku maan dhaafsan yihiin .


Shabakada Gaarsiye.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Maaxiyebaay@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)