Xildhibaano kasoo Jeeda S/land oo maanta Buuq ka sameeyay Hoolka Shirka…

Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta Buuq ka sameeyay Hoolka lagu qabanayo shirka wada tashiga nooca doorasho ee dalka kaas oo Kismaayo maanta Duhurnimadii si Ramsi ah looga furay.

Xildhibaano labo ah oo haween ah ayaa Buuq Sameeyay, waxaana ay sheegeen in Soomaaliland wada tashiyadaan ay ka maqantahay, iyagoona Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud u sheegay in dadka Soomaaliland talada laga qaybgaliyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdiraxaan Odawaa ayaa amray in xildhibaanada ay ka baxaan shirka, waxaana markii dambe xal loo arka inay banaanka u baxan si looga gudbo buuqa iyo sawaxanka.

Shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Soomaaliland ayaa sheegay in xaaraan uu yahay maadaama dhinacyada Soomaaliya aysan u dhamayn sida ay hadalka u dhigeen, iyagoona ku andacoonayay in Soomaaliland aragtidii xamar looga qaaday la qariyay.

 


Shabakada Gaarsiye.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail Maaxiyebaay@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)